top of page
Search

TAARIIKHDA SOMALILAND

Halkan kaga bogo taarikhda somaliland oo dhamaystiran



Somaliland waa magac aad ucusub marka la eego taariikhda uu wadankani leeyahay jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland.

Qoraalka gudaha oo kooban

 [qari] 

Taariikhda guud ee Somaliland casriyadii hore ilaa iminka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

ssc Taariikhdii bilawga ahayd ee casri jaahiligii

Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca Waqooyi galbeed waxa ka xigay deris la tahay dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamulka Puntland. Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 3 malyan iyiyo badh. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Somaliland waxaa dhinaca waqooyiga ka xiga badda cas oo ku fadhida xeeb dhererkodu yahay 870 km2.

Somaliland oo leh taariikh aad u balaadhan dadkuna aanu wada aqoon. Waxay kamid tahay meelaha ugu horraysay ay ka hana qaaday ilbaxnimada adduunku. Dadka taariikhda ku xeeldheeri waxay sheegeen in farraaciintii hore asalkoodu Somali kasoo jeedaan. Deganaana jireen dhulka xeebaha badda cas, taasoo markii danbana ay xidhiidh qoto dheer la lahaayeen Somaliland. Waxaana xaddaaradda Somaliland ku simantahay ilaa 7000 sanadood ciise hortii.

Diinta islaamka iyo saamaynta ay kulahayd somali[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Markii diintu soo degtay qarnigii 7aad, geeska Afrika waxay noqotay meel aad u muhiima markii uu muslimay boqorkii Xabashida ee Nataashi. Waxaana xeebaha Somaliland ahaayeen meel istiraaji ah oo asxaabtii usoo hijrootay.

Qarnigii 13naad waxaa culimadii carbeed ee dalka timid kadhiseen saldanad la odhan jiray Bebad oo ay xukumi jirtay boqortooyadii Walaashma. Waana markii koowaad inta taariikhda lagu hayo qabaa'ilkii Somalidu yeeshaan maamul dhexe.

Somaliland waxaa ay kamid tahay bariga Afrika marka laga yimaado Itoobiya dalkii ugu horreyey ee ay ka hanaqaaday maamul dawladeed, inkastoo aan runta laga sheegin taariikhda dhab ah ee Somaliland haddana waxaan muran ku jirin in Somaliland qarnigii 15naad ay lahayd dawlad dunida laga ictiraafsanyahay gaar ahaana markii uu hoggaanka qabtay Immam Ahmed Qasali( Guray). Maamulkaas oo markii danbe la magac baxday dawladii Awdal. Xukumina jirtay inta u dhaxaysa xeebaha badda cas ilaa Herer.

Soogelitaankii gumeestihii reer yurub[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Sannadkii 1869kii ayaa waxaa la furay marinka kanaal Suways oo taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika qaybsaday 1884 shirkii Barlin.

Waxaana la aamisan yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Haddaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kaw saday 1839kii markii Ingiriisku qabsaday magaalada xeebta ah ee Cadan.

Sannadkii 1827kii ayaa Captain Bermer oo ahaa badmareenadii ingiriis ahi yimid Somaliland oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen xeebaha waxaana usuuroobi wayday inay waddanka horuu galaan intii ka horraysay Captain Sir Richman Burton. Mr. Burton wuxuu galay gudaha dalka waxaanu tagay dhulka miyiga ah, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray xeebta Berbera ilaa magaalada Herar.

Hadaba Boqortooyadii Engiriiska waxay yimaadeen xeebaha Somaliland. Ingiriisku dhowr jeer buu heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland.

Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka ee daraawiishta iyo dawladdii Ingiriiska . Ugu danbayna waxaa la jebiyey Mohamed Cabdulle Xasan sannadku markuu ahaa 1921kii.

Waxaana halkaas kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii. Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.

Xoriyadii 1960 iyo wixii kadanbeeyay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dawlada Ethiopia ayaa waxay qorshaynaysay sidii ay u aqoon san lahayd somalailand

Bishii febraayo 1960kii ayaa wefti uu hoggaaminaayo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.

26 Juun 1960kii bay markii maxmiyadii ingriiska ee Somaliland "British Somaliland protectorate" xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya( indepedent state). waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas Koonfurtu xorayday ayaa labada dal midoobeen inkastoo midawgaas mad madaw badani ku jiro. Dad badanina u haystaan in midowgaasi ahayn mid sharciya.

Shacabka reer somaliland oo markiiba inay darameen cuqdad inay hayso[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dadka reer Somaliland waxay midow ku sheegaas doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay kasoo qayb galaan wixii afsoomali ku hadlaa meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxaa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen.

Dadka reer Somaliland oo markiiba dareemay in la khiyaamay oo isla markiiba bilaabay inay xornimadooda kala soo noqdaan reer koonfureedka, waxaad arkaysaa suugaantii markii hore kuwada baaqaysay midowga iyo Somalinimada oo marqudha isu badashay inay sheegaan sida lookhiyaameeyey. Wuxuu yidhi Cabdillahi Suldaan Timacade( alla haw naxariistee) tix uu arrintaas kaga hadlayaayey waxaa kaimd ahaa beedkeedii"DUQAYDII BARLAMAANKIYO DEKADIIBA WAA XAMAR".

Waxaa kale oo Qaasim oo ka mid ah abwaanada Somaliland yidhi maanso ay ka mid ahaayeen eraydan:-

ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO, DAARTA KII GALAYE DUSHA MIDABKA SOOMALIMAAD, DUGULKA MOODAAYE MISNA LAGUMA DIIRSADO, EE QALBIGU WAA DIRKII KARALE MEESHAAN DAD IISOO KORDHIYO, DARAJO EEGAAYEY IYABA WAA DARXUMO II DHIMANE, DACAR MIYAAN LEEFAY MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN, DIBUGU SOO LAABTAY SIDII AAN DAYEYNAHAY MIYAAN, DAWGII KA HABAABAY

Bishii Luulyo1961kii waxaa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqliyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey israaca labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Koonfureedka ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaas sababtoo maslaxad baan ugu jirin arrintan.

Bishii december 1961 waxaa madaxdii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isku dayeen inay dhigaan inqilaabkii dhicisoobay. Inqilaabkaasna waxay doonayeen inay kula soo noqdaan madaxbannaanidii luntay.

1967kii waxaa dalka ka noqday raysal wasaare Mohamed H.Ibrahim Cigaal. Halka uu madaxweynaha ka noqday Cabdirashid Cali sharmake. 15 Oktober 1969kii waxaa magaalada laascaanood lagu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Somalida ee Cabdirashid Cali Sharmaake.

Inqilaabkii 21 oktober iyo wixii kasoobaxay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waxaana midnimadii 60kii guul darro ku dhamaatay markii 21 Oktober 1969kii uu dalka ka dhacay inqilaab aan dhiig ku daadan ee ay dhigeen ciimada qalabka sidaa, waxaana talada la wareegay ciidamada oo uu hoggaaminaayo Gen. Mohamed Siyaad Barre.

10 januari 1970kii waxaa kelidii taliyihii Siyaad Barre sameeyey maxkamadii badbaada oo xukumi jirtay xukunka dilka si looga takhaluso dadka aan taageersanayn madaxweynaha.

21 Oktober 1970kii wuxuu Siyaad Barre ku dhawaaqay in Soomaaliya qaadatay nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Taasoo rabay inuu ugu bedelo inqilaabkii hab ku salaysan dhaqaaq siyaasadeed oo ku salaysan aydhiyooliyadda hantiwadaaga. Waxaana loo ololeeyey wixii loogu magacdaray kacaankii hantiwadaaga Somaliyeed.

Xagaagii 1972kii waxaa la sameeyey ciimadii guulwadayaasha oo ujeedadoodu ahayd inay cabudhiyaan oo xabsiga u taxaabaan dadka shacbiga ee lagu tuxmo inay kacaan diid yihiin.

July 1972kii waxaa la dilay labadii Jenaraal ee Salaad Gabayle, iyo Mohamed aynaanshe oo ka tirsanaa saraakiishii inqilaabka dhigay. Salaad gabayle wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen. Waxaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu eedeeyey inay maleegayeen shirqool ay xukunka kaga tuurayaan Siyaad Barre.

Oktober 1972kii waxaa lagu dhaqaaqay in la qoro Af-soomaliga oo uu noqdo luqadda rasmiga ah ee dalka.

1972kii-1975kii waxaa la qaaday ololihii barashada qorista Somaliga oo markii danbana isu rogay olalihii horumarinta reer miyiga ee la rabay in dadku waxna qoraan waxna akhriyaan.


1,330 views0 comments

Comments


bottom of page