top of page
Search

ARIMAHA GANACSIGA

Updated: Apr 1, 2018

Taxanaha Bilaabidda Ganacsi Cusub Q.9-aad (Maxa sababa bur-burka Ganacsiga yar yar)

February 19, 2016 By PV News Desk


19 February)–WEBSITKAN waxay idiin


soo gudbinaysaa Qaybtii 9-aad ee taxanaha Bilowga ganacsi cusub oo maanta oo jimce ah kusaabsan Guul darooyinka oo foodsaara Ganacsiga yar yar ama bur burkiisa. waxaan ugu talo galnay inay ka faa’iidaystaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka guuxayso bilaabidda ganacsi cusub ama dadka haysta hantida ee u baahan in laga caawiyo abuuridda ganacsi cusub. Barnaamijkan taxanaha ah waxaa uu u gaar yahay www.puntlandvision.com, fadlan ha u


isticmaalin si aan hagaagsanayn sida adigoo ka tagaya xuquuqda Puntlandvision. Waxaan u ogolnahay in dadku akhristaan kana faa’iidaystaan, laakiin in dib loo daaboco oo laga ganacsado ma ogolin, hase ahaatee qofkii shaqsiyan uga faa’iidsaynaya wuu daabacan karaa asagoo xuquuqda daabacaadda xusaya sida in Taxanahan uu leeyahay website-ka www.puntlandvision.com

Guul Darada soo wajahda Ganacsiga yar yar.

Maxay tahay Guul darada Ganacsiga?

Sababo badan ayaa jira oo uu ganacsigu la socon waayo isla markaana ay irdihiisu u xirmaan waxaa kamid ah, ganacsigii oo daymo badan galeen oo daymihii gudi waayay, ama si sahal ah ganacsigii oo is bixin waaya, faa’idada uu soo saaro ayaa wax badan ka yar kharashaadka uu galo dukanka.

Dhinaca kale ganacsiga waxaa soo food saara caqabado kale oo dhaqaale,suuqa oo ku xumaada, daymo badan oo fuula, iyo faa’iido la’aan ama badeecada oo socon wayda.

Shaqada ganacsiga waa u joogsan kartaa ayadoo uu shil, dhimasho ama dhaawac uu dhoco amaba xanuun shaqadii la socon waydo , tan laguma magacaabo guul daro ganacsiga asiibtay ee waa sababo bannaanka ka ah laakiin ganacsiga irdaha u laabi karaysa.

Tobankii ganacsi ee xirma, lix kamid ah waxay u xirmaan arimo dhaqaale, waxaana go’aanka xiritaanka gaara dadka mulkiilayaasha ah.

Mar mar qaab kale oo ka baxsan mulkiilaha ayaa sabab ah in ganacsigu xirmo, oo dadkii wax kulahaa ayaa sifo sharciya adeegsada oo irdaha isugu laaba ganacsiga.

Qodobada keena Bur burka Ganacsiga yar yar.

Badi ganacsiyada guul daraysta  ee xirma ayaa waxaa la ogaaday inay yihiin ganacsi mar dhow la unkay ama la sameeyay.

Adigoo doorta ganacsi marka horaba aan faa’iido badan laga helayn. Laga yaabee in shaqo badan aad qabatid oo waxoogaa aad or orodid laakiin ma helaysid lacag aad ku dabooshid shaqo maalmeedka goobta shaqo

Kayd la’aan: Lacag caddaan ah oo Kayd ah waa u muhiim ganacsigaaga, markaas haddii aadan hayn, ugu yaraan 6-da bilood ee ugu horaysa, ama inta ganacsigu xoog yeelanayo oo lugihiisa ku istaagaayo, rajadaada guusha waa yaraanee, waxaana u nugushahay inaad guul daraysatid.

Qiimo dajin macquul ah: Badeeco walba ama shay walba maahan in q

iimihii kugu soo dhaca aad ka bixisid, waa inaad si cad u qeexdaa qiimo dajinta, waad noqon kartaa qof wax raqiisa gada, waadse noqon kartaa qof wax qaali ah gada, laakiin labadooda maalinkaad isku mar


samaysid waad khasaari.

Qiyaas xumo xagga kharashka ah oo kugu dhacda: Markaad mehered ganacsi leedahay, waa khasab in lagaaga fadhiyo lacag aad subax walba siisid dadka loo yaqaan suppliers ee alaabaha kuu keena, markaas xilliga aad wax gadayso oo faa’iidada helayso iyo xilliga lacagta lagaga fadhiyo waqti baa u dhaxayn kara sidaa daraadeed waxaa u baahan tahay inaad qiyaas isku miisaaman haysato, lacagta kuu taalla iyo waxa aad subax walb tahay inaad bixiso.

Ku tiirsanaanshaha hal macmiil: Marka ugu horaysa waa wanagsan tahay. Laakiin waxaa marka danbe kuu rumoobaya, inay khasaarahaaga joogayaan. Marka aad leeda


hay hal macmiil waxaa hubanti ah inay sahal tahay in ganacsigaaga xirmo. Hal macmiil oo wayn waxaa dhaama macmiillo yar yar oo badan.

Markaad aammintid inaad wax walba samayn karto adiga kaliya: Caqabadaha ganacsiyada oo dhan xiraa waa markii aad aammintid inaad tahay kaligiis xariif, shaqadana kaligaa raba inuu qabto xataa mid aadan aqoon badan u lahayn

Arimaha kale ee wadarta ah ee ganacsiga khasaariya wax

aa kamid ah, meel liidata oo ganacsigu ku yaal, macaamiil xumo jirta, shaqaale aan xirfad lahayn , wax is daba marin jirta, qorshe fiican oo aan dagsanayn, iyo in lagu guul daraysto in talo la raadsado.

Maamul xumo: waa qaybta ugu daran ee ganacsiga la harta, waxaa kamid ah in maaliyad yar ama maaliyad liidata ama qiyaas maaliyadeed oo liidata oo lagu hawl galo. Sheekadu maahan inaad lacag fiican haysato kaliya, aqoonta sida aad lacagtaas u kala maarayn lahayd baa maamulka ah. Waa sababta in dadka ganacsiga yar yar bilaaba loo baahan yahay inay ka hortagaan, khaladaadka yar yar, sida maaliyad aan u dhigmin ganacsiga, ama in si khayaali ah lagu dajiyo maaliyadda ganacsiga.

Dalka Maraykanka daraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday, in 50 boqolkiiba ganacsiga yar yar ay khasaaraan sanadka ugu horeeya , 95 boqolkiina ay khasaaraan 5ta sano ee ugu horaysa. Gusha ganacsiga kuma timaaddo nasiib ee waa dadaal.

Michael Ames ayaa buuggiisa maamulka ganacsiga yar yar, ku sheegay in sababaha hoos ku qoran ay yihiin kuwa horseeda guul darada ganacsiga yar yar:-

  • Khibrad la’aan

  • Maaliyad aan ku fulnayn

  • Goob liidata oo uu ku yaal

  • Iibka oo liita

  • Tartan adag oo jira

  • Si khaas ah oo loo isticmaalo lacagta ganacsigaj

  • Kharashaad kayd ah oo aan jirin.

  • Kormeer la’aan jirta

  • Dayn badan oo lasoo qaato, lana bixin waayo.

  • Macaamiil la yaqaanno oo wax laga sugo.

  • Allifaad la’aan

  • Goobta ganacsi oo aan war badan laga hayn.

  • In lakala garan waayo meelaha qofku ku liito iyo meeluhuu ku xooggan yahay.

65 views0 comments

Recent Posts

See All

Comments


bottom of page