top of page
Search

DHARKA IYO LABISKA SOMALIDA Naqshadeynta dharka casriga ah ee Soomaalida iyo dhaqanka 8 MARCH 2018

Updated: Apr 1, 2018


Naqshadeynta dharka casriga ah ee Soomaalida iyo dhaqanka


Dharka oo loo habeeyo loona naqshadeeyo si casri ah oo misana dhaqanka ka tarjumaysa waa mihnad adag oo u baahan xirfad iyo aqoon gaar ah, gaar ahaan markii ay timaado in dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida laga sameeyo dharka aroosyada ee taashashka ee casriga ah.

Shukri Maxamed Xaashi, waxay ka mid tahay Soomaalida naadirka ah ee ka shaqeeya habka casriga ah ee loo naqshadeeyo dharka, waxayna howshan bilowday sanadkii 2013-kii.

Shukri, waxa ay ku haminaysay in ay mar uun dhar naqshadeyso markii ay jaamacadda dhameysay lix sanno ka hor, oo waxaa ka go’neyd in ay soo bandhigto dhar aroos oo naqshadeysan oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Tallaabadaasina ma ahan mid fudud oo waxaa Shukri ka horreeyay wadda dheer si ay riyadeeda uga guul gaarto.

Inta badan haweenka Soomaalida ee ku nool wadammada reer Galbeedka ayaa aroosyada waxa ay u qaataan dhar iska caadi ah oo aan ka tarjumeyn hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, taasina waa midda dhiirigalisay Shukri “Mar walba oo aan tago aroos waxa ay indhaheyga qaban jireen gabadha aroosadda ah oo xiran taash cad, marka waxaan is dhihi jiray ka waran hadii aad sameyso taash uu ku jiro dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.”

Waloow fikirkaas uu ahaa mid wanaagsan, hadana ma ahan mid si fudud looga guul gaari karo, oo waxa ay fikraddu u baahneyd maalgelin iyo garab, maadama ay Shukri markaa un dhameysay jaamacadana ma aanay aheyn mid fudud, waxa ayse durbadiiba bilowday in ay bal shaqa ay raadsato si ay u gaarto waxa ay doonayso, “Ma aanan heysan kharashaadkii aan ku bilaabi lahaa ganacsigayga.” Ayey ku calaacashay Shukri.

Waxa ay ka fikirtay habka ugu haboon ay lacag meel ugu aruursan karto, markiiba waxaa niyadeeda ku soo dhacay in ay gasho barnaamij ay inta badan hablaha Soomaalida ku aruursadaan lacagaha ee “ayuutada”.

Haddaba muddo lix sana ah kaddib oo ay arrintaa joogtaysay ayaa waxaa u suuragashay in waxoogaa lacag ah ay u aruursato, halkaana waxa ay ka bilowday, bilowga in riyadeedii ay u rumowdo, waxa ayna bilowday in ay naqshadeyso dharka ay xirataan gabadhaha arooska ah.

Haatan waxa ay ka mid tahay gabadhaha naadirka ee sameeya dharka noocaan ah, waxa aysa leedahay rajo weyn oo ma doonayso in ay ku ekaato in ay iyada un dharka sameyso “Waxaan ku haminayaa in aan sameeyo shirkad weyn oo dadka ajaaniibta ah ay u yimaadaan in ay iga gataan una arkaan dharkeena aadka u wanaagsan ee laga sameeyay dharka hiddha iyo dhaqanka.”

Shukri ayaa talo siisay dhalinyarada doonaysa in ay ku soo biiraan shaqadan iyadoo tiri “Waa in qofka ay ka go’an tahay in uu doonayo mihnadan, in wakhti ay siiyaan, ayna dulqaad muujiyaan, ayna dagsadaan qorshe ganacsi.”

Waxa ay ku talinaysaa in hablaha Soomaaliyeed ay bartaan naqshadeynta casriga ah ee dharka ee hidaha iyo dhaqanka si dunida inteeda kale ay u arkaan dhaqanka Soomaalida, waxa aysa sii raacisay waa howl adag oo u baahan joogtayn iyo samir.




246 views0 comments

Recent Posts

See All

Comments


bottom of page